Animation

Taliska Boliiska Baardheere oo ka warbixiyay Howl gallo dad badan ay ku soo qab qabteen Oo Halkaasi Laga Sameeyay.

no responses
Wednesday September 16, 2015 - 9:26 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Gaashaanle Dhexe Cabdullaahi Ibraahim Aadan Taliyaha Ciidanka Boliiska Magaalada Baardheere ee Gobolka ayaa sheegay in ay soo qab qabteen boqolaal ruux oo dhalinyaro badan kadib howl gal ay ka sameeyeen xaafadaha kala duwan ee degmadaasi.

Cabdullaahi Ibraahim Taliyaha Boliiska degmada Baardheere ayaa xusay in dadka la soo qab qabtay ay jiraan tuhunno lala xiriirinayo ku lug lahaanshiyaha Qarax shalay ka dhacay Suuq ku yaalla Degmada Baardheere, wuxuuna carabka ku dhuftay in baaritaanno la sameeyay kadib la sii daayay badankooda haatanna gacantooda ku soo hartay illaa iyo 30 ruux oo ku harsan baaritaanno lagu sii kala saarayo.

Dhinaca kale Taliyaha ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howl gallada lagu xaqiijinayo ammaanka , loogana hortagayo falalka ka hor imaanaya Nabad Gelyada shacabka ku dhaqan degmada Baardheere.

Shalay ayey ahayd markii Qarax ka dhacay Suuqa Balka ee degmada Baardheere uu ku geeriyooday Askari ka tirsanaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee degmadaasi ka howl gala.

Facebook Comments