Animation

Tacsi:- Jaaliyadaha Somaalida Qaarada Yurub oo Tacsi kadiray Geeridii kutimid Alle Ha u Naxariiste Drs Idil Ladane

no responses
Wednesday November 11, 2015 - 4:43 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Inaa lilaahi Wa ina ileyhi raajucuun , Qunsulka Guud ee Somaliya u Fadhiya Australia iyo New Zealand, Yoonis Yasin Hashi , iyo masuuliyiinta  ugu saraysa jaaliyada Puntland ee Australia iyo New Zealand,oo ugu horeeyo  masuul Said Shinle  ayagoo ku Hadlaya Magaca Jaaliyadaha Puntland iyo guud ahaan jaaliyadaha   Somaliyeed ee ku Nool Dalalka Australia iyo New Zealand waxaay  Tacsi u Dirayaan  Qoysaskii Iyo Eheladii,Murxuumad Drs Idil Ladane Saalax ( Deer) oo dhawaan ku geeriyootay Dalka Canada,waxay ilaahay uga baryayaan in uu u naxariisto, janadii ka waraabiyo,una  danbi dhaafo, ehelkii  Qoyskii iyo guud ahaan umada Soomaaliyeed ee ay ka dhimatayna  samir iyo imaaan ka siiiyo.

Sidoo kale waxaa iyaguna tacsi ka diraya  Geerida Idil Ladane Salah,Qoysaska Reer Afbalaar iyo Reer Shiinle oo kala jooga Daafaha caalamka , Waxay  eebe  uga baryayaan in uu  janadii Fardowso ka waraabiyo Qoyskii,Qaraabadii Iyo Guud ahaan Ummada Soomaaliyeed  ee ay ka dhimatay Idil Ladane Saalax in uu Ilaah Samir Iyo Iimaan ka Siiyo Aamiin Yaa Rabi .

Haweenka puntland  reer Australia iyo New Zealand  waxay sidoo kale dirayaan tacsi taa la mid ah,waxayna leedahay ilaah ha unaxariisto janadiina haka waraabiyo,samir iyo imaan haka siiyo ehelkeedii iyo guud ahaan umada Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootay Idil Ladane Saalax.