Animation

Taariikh Kooban: Waa kuma macalin coonka oo xalay magaalada muqdisho ku geeriyooday kadib mudo uu ku xanuunsanaay??

no responses
Tuesday May 9, 2017 - 3:39 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Magaalada muqdisho waxaa xalay ku geeriyooday allaha ha u naxariistee macalinkii xulka qaranka soomalia Macalin Xuseen Cali Cabdulle oo loo yaqaanay (Coonka).

Tababaraha ayaa dhawaanahaanba ku xanuunsanaayay magaalada muqdisho waxaana xalay uu ku geeriyooday hooygiisa oo ku yaala dagmada c/caziiz ee gobolka banaadir.

Marxuumka ayaa horay uga mid ahaay ciyaartooydii soomaliyeed ee usoo ciyaaray kooxaha kala duwan waxaana sanadkii 1946, u ciyaaray kooxaha kala duwan ee waqtigaas dalka ka dhisnaay.

Xuseen Coonka ayaa ka mid ahaa laacibiintii Soomaaliya, waxaa uu u soo ciyaaray xulka Qaranka Soomaaliya, isagoo kulamo ciyaareed kala hortagay dalal ay ka mid ahaayeen Sacuudi Carabiya, Zambia, Itoobiye, Yemen, Kenya iyo Tanzania.

Ugu dambeyn macalin coon wuxuu noqday tababaraha xulka qaranka soomalia waxaana geeridiisa ka tacsiyadeeyay dhamaan badha isboortiska dalka iyo wasaaradda ciyaaraha iyo dhalinyarada dowladda soomalia.