Animation

SUUQA: Maxaadan Ogeyn Oo Maanta Ka Cusub Manchester United Iyo Qorshayaasheeda Suuqa??? (War Ayaan Idinkaga Wadnaa)

no responses
Wednesday September 14, 2016 - 12:18 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Kooxda Man United ayaa u dhaqaaqaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee xulka qaranka Portugal iyo Sporting Lisbon ee William Carvalho marka uu suuqu furmo bisha January.

United ayaa doonaysa in ay khadka dhexe ee daafaca ku xoojiso 24 jirkan kadib markii kulankii Derby Manchester La Dareemay in khadka dhexe ee daafaca kooxdu ka jilicsanayd.

Xiddigan wacdaraha ka dhigay tartankii Euro 2016 ayaa sidoo kale la sheegayaa in ay adeegiisa xiiso u qabaan kooxaha chelsea iyo Arsenal oo ilaa xagaagii hore baacsanayay adeegiisa.

Si kasta ha ahaatee United ayaa la sheegayaa in ay haatan ku horayso baacsiga xiddigan iyada oo diyaarinaysa dalab dhan 30Million oo ay ula tagto kooxdiisa si ay u hesho adeega xiddigan.