Suldaan Caan ah oo soomaliland ay Burco ku xirtay iyo Maxkamadda Hargeysa oo Markale xukuntay Boqor Buur-madoow

0

Wararka laga helayo Magaalada Burco ee gobolka Togdheer ayaa waxa ay sheegayaan in xalay Maamulka  Somaliland uu xiray Suldaan Cunne oo ka mid ah madax dhaqameedka magaalada Burco.

Ciidamada booliiska magaalada Burco ayaa Suldaanka lagu soo warramayaa inay ka qabteen masaajid ku yaalla magaalada Burco xilli uu salaadii Maqrib kasoo baxay sida ay xaqiijiyeen eheladiisa.

Sababta loo xiray suldhaanka ayaanan la ogeyn balse Suldaan Cunne ayaa maalmihii dambe eedeeyn ku aadan dagaalka Ceel Afweyn hawada u marinayay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed.

Dhanka kale maxkamadda magaallada hargeysa ayaa markale xukun ku riday boqor buurmadoow oo horay maxkamaddu u xukuntay waxaana buurmadoow markale lagu xukumay Saddex sanno oo xabsi ah