Soomaliland Oo Seddex sano xabsi ha ku xukuntay Naciimo Abwaan Qorane oo lagu eedeeyay in ay aaminsantahay midnimada ummadda soomaaliyeed

0

Naciimo abwaan qorane waa gabadh da’yar ah oo qoraa ah islamarkaana baraha bulshada aad looga yaqaan.

Naciimo oo muddo ku sugneyd magaallada muqdisho ayaa ka qeyb gashay bandhig suugaaneed badan iyo bandhigyo cawrada buugaagta ah waxaana markii ay hargeysa ku noqotay gacanta ku dhigay ciidamada soomaliland oo xabsiga dhigay.

Xariga naciina abwaan qorane waxaa aad u cambaareeyay hey’addaha xuquuqda aadanaha waxaana ay sheegeen in dimuqraadiyadda iyo xoriyadda hadalka aan qofka lagu beegsan karin.

Maamulka soomaliland ayaa aad ugu fashilmay in uu difaaco madax banaanida uu sheegto waxaana maamulka uu inta badan xabsiga dhigaa dadka wax galka u ah bulshada ee aan siyaasadda ku jiran kuwaasi oo aan lagu qaldi karin laguna marin habaabin karin sheekooyinka ay siyaasiyiintu ka gadaan bulshada.