Top News

Soomaaliya Oo Shir Caalami Ah Kaga Qeyb Gashay Dalka Jabuuti & Dhoolatus Lasoo Bandhigay [SAWIRRO]

Wasiir ku xigeenka amniga Gudaha Dowladda Faderaalka Soomaaliya Cabdinaasir Siciid Muuse (Bahay) ayaa shir uga qayb-galay Djabouti ayaa yiri:-

” Waxaan dalka Djibouti ee aan walaaha nahay kaga qayb-galnay Aniga iyo wafdi aan hogaaminayo furitaanka xaflada munaasabada #Cutlass express 2019 waxaa la qabtaa sanadkiiba mar waaanna tababar aqoon is-weydaarsi ay ka qaybgalaan dawladaha gobolka iyo dawlado Caalami ah waxaa u jeedkiiso yahay sidii loo xoojin lahaa amniga Xeebaha Gobalka iyo xuuraan wadaagga dawladaha degen gobolka”

“Sidoo kale in la mideeyo howlgalada baddaha gobal iyo si heer caalami, iyadoo laga hortagayo Qatar walba oo lidi Ku ah Maraakiibta Marta xeebaha, lagana hortago kaluumeesiga Sharci Darada ah , Burcad Badeeda iyo Argagaxisada. Somalia waxa ay markeedii Kowaad ka qayb gashay sanadkii 2018 haddana waa markii Labaad Mudo 30 sano ka dib. Iyadoo ay ka qeyb galeen booliska ilaalada Xeebada ee Soomaaliya , waxaana ka qeyb galeen 27 ciidan iyo Saraakiil iskugu jira”

Related posts

Muwaadin Soomaali ah oo lagu dilay magaalada Qaahira ee dalka Masar

admin

Deg Deg: Kooxo hubeysan oo fuliyay Dil Naxdin leh & Warar sheegaya..

admin

DAAWO: Faadumo Dayib oo Haweenka ugu baaqday in ay Guryaha ka soo baxaan

gurey