Somali News

Soomaaliya oo shaacisay mowqifkeeda Webiga Niil ee Muranku kataaganyahey.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay go’aan
dhexdhexaadnimo ah ka qaatay khilaafka u dhexeeya dalalka Ethiopia iyo Masar ee
ku salaysan muranka biyaha Webiga Niil-ka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, oo saaka wareysi siinayey  idaacadda Daljir, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay go’aan dhexdhexaadnimo ah ka qaadatay muranka labadaasi dal, islamarkaana aysan la qabin mowqifka dalalka jaamacadda Carabta oo taageersan waddanka Masar.

Wasiir Cawad, ayaa caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay
dhex-dhexaadnimo u codaysay kulankii waddamada ku midaysan Jaamacadda Carabtu
ay kula safteen waddanka Masar oo muranka biyaha Niil-ku kala dhexeeyo dalkaasi
Ethiopia.

Sidoo kale, wasiirka ayaa xusay in Soomaaliya haddii loo baahdo ay door dhex-dhexaadin ah ka ciyaari doonto muranka labada dal ee Ethiopia iyo Masar, balse aysan marnaba si gaar ah ula safan doonin midkood.

Related posts

Tirada Lacago Dowlada Federaalka siisay Xildhibaanada Koonfur Galbeed oo la shaaciyay

admin

Hogaamiyeyaasha labada Kuuriya oo si kadis ah ku kulmay.

Ahmed sudani

Dhagayso:- Nabadoon Eedayn Culus kala Dul dhacay Ciidamada Kenya ee Kismaayo Jooga

admin