Soomaaliya oo ka qeyb galaysa Shir weyne ka dhacaya Dalka Hindiya

0

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed iyo wafddi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu amba baxay Dalka India, halkaasi oo ay uga qeyb galayaan shir caalami ah oo ku saabsan ka faa’idaysiga Khayraadka Tamarta dabiiciga ah.

Wafdiga Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka waxaa ka mid ah xubno ka kala tirsan Barlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Ra’iisal Wasaare kuxigeenka Soomaaliya ayaa Magaalada New Delhi ee Dalkaasi India uga qayb galaya shir caalami ah oo looga hadlayo ka faa’iidaysiga Tamarta cadceeda, kaas oo ay wada jir u soo agaasimeen dalalka Hindiya iyo France.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo sii maray magaalaada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa halkaasi kula kulmay Danjiraha India ee Soomaaliya, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada Dal iyo iskaashiga dhinaca horumarka.

Wuxuu Ra’iisul Wasaare kuxigeenka uu u sheegay Safiirada in Soomaaliya xilligan ay tahay dal nabdoon oo xasiloon, kana soo kabanaya Colaado sokeeye iyo mid Argagixiso.

“Dunida xilligan waxa ay ku soo hiran kartaa Soomaaliya, Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre waxaa ka go’an xoojinta dhanka Amniga iyo Iskaashiga, si loo gaaro horumaro ballaaran”. Ayuu yiri R.W Kuxigenka.