Animation

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka iskaashiga Baarlamaannada Carabta iyo ….+Sawirro

no responses
Thursday October 13, 2016 - 2:46 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Barlamaannada Afrika iyo Carabta oo shir ku yeeshay Magaalada Sharma Sheikh ee Dalka Masar, ayaa waxa ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga kheyraadka dabiiciga iyo xiriirka Caalamiga ah.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Afrika,Roger Nkodo, oo shir Guddoominayay kulanka ayaa sheegay in kulamo iyo xiriirro badan ay la sameeyeen Ururrada iyo Dowladaha daneeya iskaashiga Wadamada Afrika, kuwaasoo ay isla qaadaa dhigeen arriamaha maalgashiga iyo sare u qaadidda xiriirka labada dhinac.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, oo ah xubin ka ah Baarlamanka Jaamacada Carabta ayaa sheegay inay aad muhiim u tahay in dunida wax lala qeybsado, iskaashina la sameeyo Baarlamaannada Caalamka.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Xildhibaanad Safiya Cilmi Jabriil, oo ah Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Pan Afrika, ayaa sheegtay iyadoo ku hadleysay Magaca Dowladda Jabuuti ee ay matasho inay garabsiinayaan Dowlada Suudan, ayna ka qeyb qaadanayaan sidii loo badbaadin lahaa Haweenka iyo Carruurta ay saameenta ku yeesheen xayiraadaha ay reer Gablbeedka saareen Dalka Suudaan.

Shirka Barlamaanka Afrika, oo Todobaadkan dhexdiisa ka furmay magaalada Sharma Sheikh ee Dalka Masar, ayaa waxaa kaloo diiradda lagu saaray ammaanka Dalalka labada Qaaradood, iyadoo ay jireen kulamo badan oo ay wada qaateen wakiillada Barlamaannada Afrika iyo Carabta u matalaya Dalalkooda.

masar1 masar2-1 masar3 masar4 masar5 masar6 masar7 masar8 masar9 masar10 masar11 masar12

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.