Somali News

Soomaaliya oo ka hadashay waqti kordhinta cunaqabateynta dhanka hubka

Iyadoo dhowaan ay golaha amaanka Qaramada midoobay yeesheen kulan isla markaasna u codeeyeen in la kordhiyo muddada cunaqabateynta ee saaran Soomaaliya taas oo dhan 1 sano ayaa waxaa mudo kordhintaas ka hor timid Soomaaliya.

Cabdi Siciid Maxamed oo kamida lataliyaasha Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in ujeedka waqtiga cunaqabateynta loo kordhiyay ay tahay in Soomaaliya loodiidanyahay inay Xasiloonideeda dib uhesho.

Wakiilka joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobey Abuukar Cismaan Baalle ayaa dhaliil xoogan ujeediyay Qaramada Midoobay wuxuuna sheegay in cunaqabateynta waqtigeeda uu dhacay isla markaasna 1sano ee lagu kordhiyay ay tahay waxba kama jiraan.

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa 15kii bishaan waxay mudo kordhin ku sameeyeen Cunaqabateyntii dhanka hubka ee saarnayd Soomaaliya iyagoona ku kordhiyay mudo 1sano ah.

15ka dal ee xubnaha ka ah Golaha ayaa 12 ka mid ah u codeeyeen haa halka 3 dal ay ka aamuseen kuwaas oo kala ah China, Russia iyo Equatorial Guinea.

Related posts

Dhacdo naxdin & La Yaab noqotay oo Muqdisho si aad ah looga hadal hayo..

admin

Daawo: Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland oo Su’aallo kulul weydiiyay Wasiirka Caafimaadka Jubbaland

admin

Daawo Sawirro: Madaxweynaha Kenya oo markii ugu Horeysay Booqday Gobolka wuqooyi Bari ee Kenya iyo Jaamacadda Gaarisa

Tifaftiraha K24