Somali News

Soomaaliya Oo Guul Horleh Ka Gaartey Qorshaha.

Bangiga Aduunka iyo Hay’adda Lacagta Caalamka ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya ay ka gudubtay wareega koowaad ee deyn cafinta.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo soo dhaweeyay hadalkaas ayaa sheegay in ay tahay guul u soo hooyatay dhamaan Ummadda Soomaaliyeed.

Khayre oo wariyeyaasha kula hadlay xafiiskiisa ayaa shaaciyey in ay harsan yihiin shuruudo kale oo ay tahay in waddanka uu soo buuxiyo.

Shir ayuu sheegay in ay yeelan doonan madaxda wadamada lacagta leh Soomaaliya, kaasoo ay go’aan kaga gaari doonan lacagta harsan.

Ugu dambeynti, ra’iisul wasaaraha ayaa meesha ka saarey in dowladdu qorsheyneyso in ay qaadato deyn cusub haddii la dhaafo qaanta haatan lagu leeyahay.

Related posts

TOP NEWS: Maxaad ka ogtahay Socdaalka Axmad Madoobe ee Jig Jiga Muxuuse salka ku haaya+Sawiro

admin

Gudiga shaqalaha Rayidka ah oo xil ka qaadistii Cali bin Cali sharci daro ku tilmamay

admin

TOP NEWS: Dhageyso Madaxweynaha Maamulka Cusub ee Deegaanada Puntland looga dhawaaqay oo Afka Furtay Puntland usoo jeediyay Eedeyn kulul…..

Tifaftiraha K24