Animation

Soomaaliya ma sida Jannadaa?

no responses
Tuesday November 10, 2015 - 5:33 under Top News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Soomaaliya iyo Jannada maxaa ka dhexeeya?

Ha soo boodin. Sug aan isfasiree.

Haddii aad u fiirsato qof waliba wuxuu rabaa in uu jannada galo. Laakiin qofna ma rabo in uu dhinto.

Malaha taas waa marka laga reebo Shabaab.

Soomaalidu waxay rabtaa in ay Soomaaliya hagaagto oo ay amni darrada iyo dib u dhaca ka baxdo. Laakiin qofna ma oggola in uu howlihiisa iyo danahiisa u daayo, si uu ugu gacan bannaanaado Soomaaliya oo uu gacan uga geysto in dhibka aan ka baxno.

Dadka siyaasadda ku howlan waxay u badan yihiin dad siyaasadda qabaa’ilka iyo musuqmaasuqa ku dhisan mehered aan ahayn aan aqoon iyo dad iyaga oo aan iyagu niyeysan in ay Soomaaliya u shaqeeyaan loo magacaabay xil oo markaas aqbalay.

Is weydii maxaad ku darsatay in dhibka laga baxo?

Jawaab iiguma filna in xil laguu magacaabay aad aqbashay. Taasi waa nooc kale oo ah in aad shaqeysato adigu.

Tusaalaha ugu fiican waa qurbajoogta iyaga oo aan Soomaaliya wax tarin oo dibadda isaga nool mar qura soo duula marka xil loo magacaabo, marka laga qaadana halkii ay ka yimaadeen dib ugu laabta.

Waxqabadka aan ka hadlayaa waa ka hor inta aan qofka xil loo magacaabin ama ka dib marka xilka laga qaado ama uu ka dego.

Qormadan ujeeddadeedu ma ahan dhaliil siyaasiyiinta hadda jira, laakiin waa mid aan ku tilmaamayo in loo baahan yahay in la niyeysto in Soomaaliya laga saaro marxaladda adag ee ay mareyso, si taas looga dhabeeyana lala yimaado waxa ay u baahan tahay oo ah in loo daayo dano kale oo aad heli karto.

Howli ma qabsoonto, haddii aan howl kale loo deyn.

Facebook Comments