Animation

Soomaalida mala gudboontahay in ay uga dagaalanto Khaadka sidii Shiinuhu ula Dagaalay Xashiishadda?

no responses
Sunday September 11, 2016 - 10:13 under Somali News by admin
mqdefault

Taariikh waliba oo dunida soo marta waxaa haboon in wax laga barto si looga faa’iideesto, waxa aan rabaa maanta in aan la wadaago akhristayaasha fursadda Soomaaliya u banaan si mar danbe aan Khaad loogu keenin iyada oo la raacayo sidii Shiinuhu uu uga dhiidhiyay Xashiishadii Ingiriisku ay ku haligeen qarnigii 17-aad.

Qarniyadii 17-aad iyo 18-aad, Yurub waxa ay aad ugu baahi qabtay waxyaabaha Shiinuhu soo saaraan gaar ahaan dharka iyo caleenta shaaha iyada oo aysan jirin walxo Yurub ay u iibgeyso Shiinaha arintaas oo loo arkayay sinaan la’aan dhanka ganacsiga ah. Shiinuhu waa isku filnaayeen loomana Ogoleyn Yurub in ay gasho suuqyada Shiinaha.

Shirkad lagu magacaabi jiray British East India Company oo saldhigeedu ahaa Hindiya ayaa waxa ay bilaawday in ay Xashiishad u dhoofiso shiinaha oo ay ka iibiso shiineeska, waxa ayna durbadiiba qabsatay suuqyada shiinaha.

Shiinuhu waxa ay walaac ka muujiyeen mawaadiniintooda aadka u badan ee la qabsanaya isticmaalka Xashiishada.

Sanadku markuu ahaa 1839, boqorkii Shiinaha ee la oran jiray Daoguang ayaa waxa uu diiday qorshe lagu doonayay in xashiishada sharci laga dhigo oo la canshuuro marka ay soo geleyso shiinaha, waxa uuna u xilsaaray arinta xashiishada shirkadda Lin Zexu, isaga oo ku amray in la joojiyo ka ganacsiga xashiishadda

Shirkadii Lin waxa ay xoog kula wareegtay 20,000 oo kunteenar oo ay ka buuxdo Xashiishd iyada oo aan bixin wax magdhaw ah, waxa ay joojisay soo gelitaanka xashiishadda ee shiinaha.

Inkasta oo aysan si cad aysan u diidin Dowladd Ingiriiska xaquuqda Shiinuhu u leeyahay iska kantaroolida daroogada loo dhoofinayo dalkooda, hadana waxa ay diiday la wareegidda xashiishadeeda sida lama filaanka ah u dhacday, waxa ayna bilaawday dagaal Shiiuhu ku jabeen arintaas oo loogu magacdaray siyaasadii qoriga caaradiisa waxa uuna socday dagaalku sanadihii u dhexeeyay 1839–42

Sanadku markuu ahaa 1842, waxaa dhaqan galay heshiis loogu magac daray Treaty of Nanking oo lagu dhameynayay dagaalkii 1-aad ee xashiishada inkasta oo markii danbe Shiinuhu ku sheegeen heshiis aan loo sineyn.

Heshiiskaas waxa uu dhigayay in magdhaw la siiyo Ingiriiska, in la furo dekado xashiishadu si caadi ah uga degto oo gaaraya shan oo ku yaalla Shiinha iyo in Shiinuhu Ingiriiska uga tanaasulaan jaziiradda Hong Kong oo Ingiriisku maamulayay.

Heshiiskaas sidii la rabay ee aheyd in Ingiriiska rabitaankiisa loo yeelo uma dhaqan gelin oo waxa uu u cuntami waayay Shiinaha, waxa uuna horseeday dagaalkii 2-aad ee xashiishada kaas oo socday inta u dhexeysay 1856–60

Dagaalkaan waxa uu u dhexeeyay Boqortooyooyinkii Ingiriiska iyo Faransiiska oo isku dhinac ah iyo Shiinaha. Dagaaladaas Shiinaha waxa u arkaan dagaalkaas mid u horseeday Shiinaha casriga ah ee awooda badan.

Inkasta oo aanan soo wada koobin taariikhda dagaaladii xashiishada ee dhex maray Ingiriiska, faransiiska iyo Shiinaha waxa ay aheyd muhiimadda aan usoo qaadannay in Soomaalidu ogaato in dani aysan ugu jirin in maalin kasta Daroogo loosoo iib geeyo lacag adagna laga qaato hase yeeshee lagu dhaqaaqo qaabkii danta dalkeenna looga shaqeyn lahaa.

Sida Ingiriiskuba u doonayay in Shiinaha oo dhan uu Xashiishad ugu maasheeyo ayaa Kenyana u dooneysaa in Soomaalida oo dhan Muqayiliin uga dhigaan si ay lacag badan uga sameeyaan, hase yeeshee Soomaalida ayaa waxaa u furan in ay iska diido oo ay garato danaheeda, sida Shiinuhuba u garaawsaday, arintaas oo loogu gudbi karo Soomaaliya Casri ah oo ka madax banaan muqaadaraad.

Dowladda Soomaaliya waxaa la gudboon in aysan iska indha tirin malaayiinta doolar ee bil kasta Khaadka naloogu bedelo, sidaa darteed go’aanka ay sida ku meel gaarka u qaadatay ay u bedesho mid rasmi ah Khaad danbana aan dalka la soo gelin.

Maamul Gobaleedyada waxaa la gudboon in ay ku dhaqmaan Dastuurka dalka siyaasadda ay Khaadka ku joojisay Dowladana ay dhaqan geliyaan ayana kasoo saaraan go’aan lamid ah kan maamulka Koofur Galbeed uu kasoo saaray.

Ganacsatada Soomaaliyeed ee Khaadka iibin jiray waxaa la gudboon in ganacsi wax tar u leh dalka ay u bedelaan Shaqadooda si dalka dhaqaalahiisu uu soo kobco loogana boxo kala danbeyn la’aana iyo fowdada.

W/ Q: Cabdifitaax Xaashi Nuur
Nuurbiin78@gmail.com
+252618666066