Animation

Soomaali waqti badan ku noolayd xeryaha qaxoootiga Kenya oo dalkooda dib ugu soo laabtay

no responses
Tuesday November 3, 2015 - 6:40 under Somali News by admin
mqdefault

Qoysas Soomaali ah sanooyin badan ku noolaa xeryaha qaxootiga dhulka Soomaalida Kenya ayaa dib ugu soo laabtay gudaha dalkooda Hooyo.

Qaxoootiga dalkooda ku soo laabtay oo ka kooban Todobo Qoys ayaa waxaa dhaqaalaha ka bixiyay hay’ada qaxootoga UNHCR waxaana sidoo kale soo sagootiyay wasiirka arimaha gudaha Kenya.

Qaar ka mid ah qaxootiga oo warbaahinta la hadlay markii ay soo caga dhigteen gudaha dalkooda ayaa sheegay inay dalka ka baxeen 25 sano ka hor intaas oo dhana ay ku noolaayee xeryaha dhadhaab iyo kuwa kale.

Sidoo kale waxay sheegeen inay ku faraxsan yihiin in Soomaaliya xiligaan ay gaartay nabad sahli karta in dadkii ka barakacay xiliyadii dagaalada bilowdeen ay hada dalkooda kusoo laaban karaan.

Dib u soo noqoshada qaxootigaan ayaa qeyb ka ah heshiisyadii hore ay u kala saxiideen Soomaaliya,Kenya iyo Ha’ada UNHCR kaasoo dhigayay in qaxootiga Soomaalida intii raali ah dalkooda lagu soo celiyo.

 

KISMAAYO24.COM

ABDI KAFI ABDI ABDULLE