Animation

Somali U Tartamaysa Maamulka Dugsiga Sare Eden Prairie

no responses
Thursday October 29, 2015 - 2:32 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Labo wiil oo somali ah ayaa ka mida todoba qof oo ku tartamaya maamulka dugsiga sare ee Eden Prairie.

Eden Prairie High School oo ah dugsi dawladeed oo ku yaal Minnesota, ayaa la aasaasay sanadkii 1923, tan iyo wakhtigaasna ma aysan dhicin qof madaw (afrikaan ah) oo ka mid noqda maamulkeeda oo ka kooban 4 kursi.

labadan wiil oo la kala yiraahdo Asad Aliweyd iyo Murshid Barud ayaa waxay ku jiraan olole wayn oo ay ugu jiraan siday u hir-galin lahaayeen rajada ah, in kursi Somaliyeed ay ku yeeshaan bulshada somalida ahi dugsigan.

“xubin somaliyeed oo ka mid noqota, maamulka dugsigan waxay soo kordinaysaa faa’iidooyin badan oo ay kaw ka tahay in maamulkii yeesho aragti kala duwan, taas oo aan jirin hada.” sidaas waxa yiri Murshad Barud

 

Facebook Comments