Somali News

Somaalida ku nool Dalka Uganda oo ka cabanaaya tuugo boob iyo jirdil ku heysa.

Soomaalida ku nool dalka Uganda gaar ahaa kuwa dagan magaalada Kampala ayaa reaka cabanaya tuugo badan oo si gaar ah u gaarsata Soomaalida iyagoo u gaysta dhac iyo waxyeelo badan, sida jirdil ay la kulmaan marka ay tuugada wax ka qaadaanayaan.

Qaar kamid ah dadka Soomaaliyeed oo Radio Muqdisho xafiiskiisa Kampala la hadlay ayaa sheegay in ay xiligaan soo bataan dhaca Soomaalida loo gaysto oo wadooyinka loo galo halka qaar kalena guryahooda loogu dhaco oo waxii guriga u yiila laga qaato.

Maxamed Cabdullaahi oo loo yaqaan Qarash ayaa Radio Muqdisho uga sheekeeyay sababta sanad walba keenta in xiligan tuugada usoo bataan waxa uuna yiri” Wadankan aan ku nool nahay ee Uganda waa dad aqlabiyadiisa u badan yihiin Karishtan,marka la gaaro bisha Disembar ee u dambeysa sanadka 25-teeda ,waxa ay u dabaal dagaan Christmas day dalkuna fasax rasmi ah ayuu galaa, sidaa daraateed waxaa bata dhac iyo tuugada wadooyinka istaagta”. ayuu yiri Qarash

Related posts

DegDeg:- Askari Katirsanaa Ciidanka Dawladda FS oo lagu Toogtay Muqdisho

Ahmed sudani

XASAASI; Maxaadan Ogeyn Oo Xasaasi Ah Oo Baladweyne Ka Jira (War Muhiim Ah Ayaan Idinkaga Wadnaa)

Tifaftiraha K24

DEGDEG:  Sheekh Xsana Dahir  Aways  oo Madaxweyne Farmaajo iyo R/W Xasan Khayre Ka dalbaday.

gurey