Somali News Top News Xulashada K24

Siyaasi Xasan Mudeey oo ka baxay xisbiga PDP

 

Iscasilaad Xubinnimadii Xisbiga(PDP).

Waxaan cadeynayaa laga billaabo maanta oo ah maalinnimo Isniin ah taariikhdu ay ku beegan tahay 20/02/2017 In aan iska casilay kasii mid ahaanshiyihii Xisbiga Nabadda iyo Horumarka ee loo soo gaabiyo(PDP).

Xisbiga ayaan wakiil uga ahaa waddamada Yurub laga soo billaabo 20/07/2011kii oo ahayd maalintii iigu horreysay ee aan ku biiray.

Waxaan waqti badan sida bulsha badan igu taqaanay katirsanaa Xisbiga (PDP) oo aan dadaal fara badan iyo waqti adag ku bixiyay iyadoo aan wada ogsoonnahay dalkeena oo mushkilad adag kujiray kana dhaqan galin sharciga hirgalineed ee xeerka Xisbiyada dalka.

Ujeedka iscasilaaddayda Xisbiga(PDP)…

Marka aan qiimeeeyay inbadan waqti dheerna aan lasoo shaqeeyay kooxdii aan isku xisbiga ahayn oo aan in muddo ah kala aragti duwnayn ayaan go’aansaday in aan bulshada Soomaaliyeed u cadeeyo in aan ka tanaasulay kasii mid ahaanshiyaha Xisbiga Nabadda iyo Horumarka (PDP)

Ex Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa gudoomiye ka ahaa Xisbiga oo aan kukala fogayn aragti ahaan habka iyo sida wax loo maamulayay intii uu xilka Madaxweyne haayay Mudane Xasan Sheekh,inkastoo uu meel wanaagsan soo gaarsiyay dalka taasoo ugu danbayn si hufan xilka ugu wareejiyay Madaxweynaha talada lawareegay Madaxweyne Farmaajo.

Mahadcelin: –

Waxaa mahadcelin aan lasoo koobi karin ujeedinayaa saaxibadii aan kawada tirsanayn Xisbiga iyo Asxaabtii marwaliba taageerada iila daba joogtay,sidoo kale bahda Saxaafadda oo si wayn iigu soo garab siiyay taasoo aysan maankayga kabixi doonin sida hagar la’aaneed ay iisoo garab siiyen inta aan lasoo shaqaynayay(PDP).

Gabagabadii: –

Waxaan cadaynayaa in aanan ahayn shakhsi aaminsan ama kamid nqoday urur diimeed ama firqo ka mid ah firqooyinka kajira dalkeena.

(Wa biillahi Toowfiiq)

Mahadsanidiin Hassan Abdikadir Mudey.

Related posts

Taliyaha Booliska oo Baydhabo Arimo Muhiim ah u Jooga

admin

Gudiga difaaca ee Baarlamanka oo ku dhegan Ciidamadda Ethiopia

admin

XOG: Madaxweyne Shariif Xassan Oo Qorshayaal Layaab Leh La Damacsan…………………………..(Yuu La Damacsanyahay???)

Tifaftiraha K24