Siyaasi C/raxmaan C/shakuur oo sheegay in uu Naftiisa uga baqaayo.

no responses
Thursday February 15, 2018 - 8:12 under Maqaalo iyo Warar by gurey
mqdefault
Spread the love

Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa goordhawayd shaaciyay in amnigiisa uu u baqayo kadib markii uu ka warhelay warar hoose oo sheegaya in uu weerar kale ku soo wajahan yahay.

Mar uu wareysi siinayay Tv-ga Universal Xaruntiisa Muqdisho ayuu sheegay in uu ogaaday in la soo weerari doono isaga oo loo adeegsanaayo Al-Shabaab taasina ay ku lug leeyihiin Dowladdo Shisheeye.

Dhanka kale Siyaasiga ayaa sheegay in uu shaki ka qabo in dowladdo Shisheeye ay weerar ku soo yihiin iyaga oo soo maraya ama u soo adeegsanaya Al-Shabaab.

Dhinaca kale Siyaasiga ayaa waxa uu ku dhaliilay Madaxweynaha Soomaaliya in uu ka aamusay dhibaatoyin ka jira dalka iyo waxkasta oo madaxda qaarkood ay ku dhaqaaqeen isaga oo talo u soo jeediyay.

Tan iyo wixii ka dambeeyay 17 Bishii December ee Sanadkii tegay 2017 markii la weeraray xili habeen ah hoygiisa Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur waxa uu dowladda ku eedeynayay in aan tallaabo sharci ah laga qaadin Saraakiishii  ka dambeeyay weerarkaas.

Facebook Comments