Somali News

Siyaasi Cabdiraxmaan CabdiShakuur Iyo James Swan Oo Ka Wada Hadlay.

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa Magaalada Muqdisho kulan kulan qaatay Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Swan.

Kulanka u dhexeeyay C/raxmaan C/Shakuur iyo James Swan ayaa waxaa looga hadlay Arrimaha Doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan Sanadka 2020/2021 iyo Xaalada Guud ee dalka.

Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada hadlay Arrimo kamid ahaayeen xiriirka  u dhexeeya dowladda u dhexeeya dowladda Federaalka iyo dawlad Goboleedyada, xaalada Gobolka Gedo iyo doorashooyinkii Galmudug.

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uga magaceliyay howsha wanaagsan ee uu ka haayo gudaha dalka Soomaaliya.

Related posts

Dhagayso Madaxweyne kuxigeenka Kowaad ee Maamulka Gobolada dhexe oo waraysi xasaasi ah bixiyay muxuuse ka yiri Doorashadi Gulled iyo Xuduudaha Maamulkooda.

admin

Dhageyso: Madaxda Maamulada Galmudug iyo Puntland oo ku kulmaaya.

admin

Daawo: Ajaanibtii laga qabtay Xeebta Kismaayo oo Maanta la soo bandhigay iyagoo ay ka……

Tifaftiraha K24