Animation

Siyaasi caan ah oo mar kale lahadlay Saxaafada xili loo adeegsanaayay dano gaar ah

no responses
Tuesday November 17, 2015 - 9:09 under Somali News by admin
mqdefault

Iyadoo ay jiraan Siyaasado iska soo horjeeda oo iminka ka dhex curtay Dowladaha Somalia iyo Kenya ayaa waxaa arrintaasi si carro leh mar kale goordhow uga hadlay Hogaamiyaha xildhibaanada xisbi xaakimka Jubilee ee Kenya.

Hogaamiyaha xildhibaanada xisbi xaakimka Jubilee ee Kenya Aadan Bare Ducaale ayaa sheegay inuu dhagaha kala socdo wax waliba oo ay DFS ku dhaliileyso Dowlada Kenya waxa uuna sheegay in arrimahaasi oo dhan ay ka danbeeyaan Siyaasiyiin mucaarad ku ah Xisbiga talada hayo.

Ducaale wuxuu sheegay in Kenya oo kaliya aysan ciidamo kajoogin Somalia, balse ay kamid tahay wadamada kale ee Afrikaanka ah oo ay Ciidamada ka joogan Somalia.

Waxa uu sheegay in Ciidamada Kenya aysan mudneyn in abaal looga dhigo ajaafeyn iyo eedeymo waxa uuna carabka ku dhuftay in DFS ay mudan tahay inay ka fiirsato go’aanada is xigxiga oo ay gaareyso.

”Way iska cadahay sababta ay Ciidamada Kenya u joogan Somalia waa danaha qaranka Kenya,waxaan halkaas utagnay inaan dhibaato xalino taas oo xiriir la leh amniga Kenya iyo si aan u ilaashano xuduudaheena iyo dadkeena.’’

“Ilaa iyo inta aan ka tirtirayno Al-shabaab masoo saarayno ciidankeena Kenya hadii aad tiraahdo dhuxul bay iibiyaan ama sonkor. wax dan ah kama lihin si kastood aad umagac disho’’

Aadan Bare Ducaale ayaa kamid ah Xildhibaanada ku jira Baarlamaanka Kenya ee dhaqaalaha lagu siiyo inay difaacaan Siyaasada Kenya, si Dowlada Kenya ay isku adeegsato Soomaalida.

Dhanka kale, Dowlada Kenya ayaa ka careysan go’aankii kasoo baxay BFS kaasi oo uu kamid ahaa qodob dhigaayay in Ciidamada Kenya ay isaga baxaan dalka Somalia.

kismaayo24.com

abdi kafi abdi abdulle