Breaking News Somali News Top News

Sirdoonka Somalia oo isku Khilaafay Gaarigii Mareykanka ku duqeeyay Sh/hoose

Sarkaal sare oo ka tirsan Sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegay in uu shaki gelinayo weerarkii Habeen hore ka dhacay degaanka Mubaarak ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Sarkaalkan oo qariyay magaciisa ayaa sheegay in weerarka oo lala beegsaday Gaari Khudaar waday uu ku soo jeeday Caasimadda Muqdisho,waxaana uu xusay in shakiga ugu weyn uu yahay in Gaariga Homy-ga ah waday walxaha qarxa.

Sarkaalkan oo la hadlay Wakaaladda AP ee Mareykanka ayaa sheegay in weerarkaas ay ka dambeeyeen Mareykanka islamarkaana ay fulisay Diyaarad aan duuliye lahayn.

Sarkaal labaad oo ka tirsan Sirdoonka Soomaaliya oo isna magaciisa qariyay ayaa u sheegay AP in gaariga la weeraray ay saarnaayeen Qaraxyo,qorshuhuna ahaa in uu weerar ka geysto caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Mareykanka ayaa in ka badan 30 weerar ka fuliyay Soomaaliya sanadkan 2017ka,waxaana uu la siman yahay weerarrada sideeddii Sano ee uu madaxweynaha ahaa Brack Obama.

Pentagon-ka Mareykanka ayaa dhawaan sheegay in wax ka badan labo sano oo dheeraad ah ay ku darayaan weerarrada ka dhanka ah Al-shabab iyo Daacish ee Soomaaliya.

Related posts

Top News: RW CCC Sharmarke iyo Weliba sidoo kale Hogaamiye Ahmed Maddobe oo Kismaayo ku kulmey

admin

Bal Ogow: Madaxweyne Xassan cidda uu maanta Adis Ababa kulanka kula qaatey

admin

Dawlada Guatemala oo safaaradeeda u Wareejinaysa Qudus

Ahmed sudani