Somali News

Shuban biyood ka dilaacay gobolka Bakool iyo caruur u geeriyootay

Deegaanka Caato oo ka tirsan gobolka Bakool ayaa waxaa ku geeriyooday caruur gaareysa ilaa 7 iyagoona ugeeriyooday cuddurka shuban biyoodka oo deegaankaas ka dilaacay 48saac ee lasoo dhaafay.

Guddoomiyaha deegaanka Caato Dubad Xasan Cali ayaa warbaahinta u xaqiijiyay geerida 7da caruurta ah ee ugeeriyootay shuban biyoodka.

Dhinaca kale kusimaha Guddoomiyaha gobolka Bakool Cabdullaahi Maxamed Nuur (Snake) ayaa sheegay in cudurka shuban biyoodka ka dilaacay deegaano badan oo katirsan gobolka Bakool.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay jiraan dad u dhintay iyo dad badan oo uu soo ritay wuxuna baaq u diray Dowlada Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed gaar ahaan Wasaaradaha ay khuseyso iyo hay’adaha Samafalka.

Related posts

war Cusub: Meydka Wasiiro Galmudug ka tirsan Iyo Nabad-doon oo la keenay Cisbitaalka Galkacyo

Tifaftiraha K24

Daawo: Maxaadan Ogeyn oo ay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Dalka Maxamad Cumar Carte iyo Dhiggiisa Dalka Jordan???

Tifaftiraha K24

Sawirro: Baarlamaanka soomalia oo meel mariyay miisaaniyadda xukuumadda ee 2017-da

Tifaftiraha K24