Somali News

Shirweynihii Wadatashiga ee Thabit uu ku dhawaaqay oo Hal sabab darteed u baaqday. ( Ogoow Sababta)

Mudane Taabid Cabdi Maxameed Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa  ku faah fahiyay dib u dhaca ku yimid shirkii wadatashiga looga hadli lahaa nabadgeliyada iyo horumarinta Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Taabid ayaa sheeagay in sababo farsamo darted uu u baaqaday Shirkii Wadatashiga Nabadeynta iyo Hormarinta Gobolka Banaadir oo lagu waday in 7da bishan uu ka furmo magaalada Muqdisho,kaasi oo horey uu ugu dhawaaqey Duqa Muqdisho..

Wuxuu sidoo akle shirkiisa jaraa’id ku sheegay in maamulka Gobolka Banaadir uu dib ka soo sheegi doono waqtiga uu dhacayo shirkaasi wadatashiga ah.

Mudane Taabid Cabdi Maxamed Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa dabayaaqadii bishii December shaaciyay in 7 bashan ;la qaban doono shirweyne looga hadlayayo nabadgeliyada iyo horumarka caasiamadda.

Related posts

Xaaladda Gobalka Hiiraan oo weli qasan iyo Maamulkii Gobalka oo isku dhegan.

admin

Dowlada Soomaaliya oo Dhuusamareeb kadajisay diyaarado sida Saanad Ciidan.

admin

Isgaarsiinta Magaaladda Cadaado oo hawadda ka maqan (halkan ka ogow sababta).

admin