Animation

Shirkii uu ka qeyb galaayay guddoomiye Thabit oo ka furmay Magaalada Roma ee Dalka Talyaaniga “Sawirro”

no responses
Wednesday November 15, 2017 - 11:28 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Caasimadda dalka Talyaaniga ee Rome waxaa si rasmi ah uga furmay shirka horumarinta iyo Maalgashiga magaallooyinka Africa iyo Talyaaniga

Shirkan waxaa Soomaaliya ku matelaya guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho mudane Taabit Cabdi Maxamed, shirka inta uu socdo waxaa lagu soo bandhigi doonaa horumarrada ay sameeyeen magaalooyinka Africa iyo sida ay muhiim ugu tahay in maalgashi lagu sameysto, kuwa soo koraya iyo magaallooyinka burbursan ee dib u dhiska u baahan xilligaan.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir waxaa shirka ku wehlinaya safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Talyaaniga C/raxmaan Sheekh Ciise, khudbaddii lagu furayey shirka waxaa jeediyey wasiirka Arrimaha Dibedda ee dowladda Talyaaniga oo sannadkaan marti-gelisay shirka.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Taabit ayaa yiri “ caasimadda Soomaaliyeed ee Muqdisho iyo dadkeeduba marnaba kama joogsan doonaan tallaabooyinka ay ku xaqiijinayaan in caasimaddu hiigsato caasimadaha  la mid ah, waxaa naga go’an inaan ku dedaalno sidii aan indhaha caalamka ugu soo jeedin lahayn Maalgelinta iyo ka qeyb-qaadashada dhismaha Muqdisho, si nolosha Muqdishaawiyiintu ay horey ugu socoto”.

Guddoomiyaha  ayaa lagu wadaa in uu ka jeediyo khudbad ka hadleysa horumarka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo in ay u diyaar garowdey qaabilaadda Maalgashiga caalamka iyo arrimaha Dalxiiska.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.