Animation

Shirki IGAD oo ugu danbeyn mantka furmaaya..

no responses
Tuesday September 13, 2016 - 9:02 under Somali News by admin
mqdefault

Shir madaxeedka wadamada ku bahoobay urur goboleedka IGAD ayaa maanta waxaa uu ka furmi doonaa magaalada Mqudisho sida uu qorshuhu yahay, iyadoona ay ka qeybgali doonaan madaxweyniyaal iyo wakiilo ka kala socda todobada wadan ee ururkaas uu ka kooban yahay oo kala ah Djibouti, Ethiopia, Kenya, Suudaan, Suudaanta koofureed, Uganda iyo Soomaaliya.

Afhayeenka madaxweynahay Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac, oo la hadlay laanta Af-Soomaaliga ee BBC ayaa sheegay in shirka ajendihiisa ugu muhiimsan yahay labo arin oo kala ah xaaladda dalka Suudaanta koofureed iyo arimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Dhanka kale, war qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu beeniyay warar sheegaya in shirka markale dib loo dhigay.

War-saxaafadeedka wasaaradda ka soo baxay ayaa lagu sheegay in shirka uu sidiisi yahay isla markaana aysan jirin wax dib u dhac ah oo ku yimid.

Waa markii ugu horeysay oo Soomaaliya martigeliso shir madaxeed tan iyo sanadkii 1974 kol kaas oo magaalada Muqdisho lagu qabtay shirkii madaxweyniyaasha dalalka midowga Afrika.

Ururka goboleedka IGAD ayaa waxaa la aas aasay sanadkii 1986, iyadoo sidoo kale Soomaaliya horey u martigelisay shirkii wasiirada arimaha dibadda dalalka IGAD.

Maalmihii u dambeeyay ayaa magaalada Muqdisho waxaa laga dareemayay u diyaargarowga ku aadan martigelinta shir madaxeedka wadamada urur goboleedka IGAD