Breaking News Maqaalo Maqaalo iyo Warar Somali News

Shirkadda Twitter oo digniin adag u dirtay Macaamiisheeda & khatar soo shaac baxday

Shirkadda Twitter ayaa 330 milyan oo ruux oo adeegsada ka codsatay inay baddalaan furaha sirta ah ee ay ciwaannadooda ku galaan, ka dib markii ay cillad soo food saartay shirkadda.

Shirkadda ayaa sheegtay in baaritaan gudaha ah oo ay samaysay uu muujinayo inaysan jirin wax tilmaamaya in dad shirkadda u shaqeeya ay xadeen ama si xun u adeegsadeen furayaasha sirta ah ee ciwaannada.

Si kastaba ha ahaatee dadka ciwaannada ku leh ayay shirkaddu ka codsatay inay furahooda sirta ah baddalaan.

Shirkadda Twitter ma aysan sheegin inta bog ee ay saamaysay ciladdaasi, Waxaase la fahamsan yahay in aysan yarayn tirada dadka ay saamaysan arrintan.

Related posts

Daawo: Farmaajo iyo kenyatta oo ku heshiiyay :- in duulimaad toos ah uu bilowdo muqdisho iyo nairobi in la furo xadka labada dal iyo…..

Tifaftiraha K24

Daawo: Markabkii labaad oo sida shixnad gargaar ah oo kusoo wajahan dalka soomalia wadankee ayuuse ka socda???

Tifaftiraha K24

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Madaxweyne Erdoğan Oo Geneva Ku Kulmay

admin