Shirkadda Baabuurta ee Toyota oo Muddo 27 sanno kadib Xafiis ka furatay Soomalia

0

Shirkadda baabuurta ee Toyota ayaa 27 sano ka dib waxa ay Soomaaliya ka furtay xafiis ay leedahay Toyota.

Xafiiska shirkadda Toyota waxaa laga furay caasimadda soomalia ee muqdisho waxaana ay soo maraysaa Shirkadda SKA.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo xariga ka jaray ayaa sheegay in ay qayb ka tahay maalgashiga shishiiye ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in ay wadaan in alaabaha Soomaaliya loo iib geeyo suuqyada caalamka halka maanta Soomaaliya wax loo soo iibgeeyo.