Shirkada Dp World oo si rasmi ah Daaha uga qaaday Saamiga Itobiya ku yeelan doonto

0

War Saxaafadeed ay qabatay Shirkadda DP World ayaa maanta waxa ay ku shaacisay in dowlada Ethiopia ay ku leedahay saami gaaraya 19% dekeda Berbera.

War Saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in shirkadda DP World ay leedahay saami dhan 51% halka  Maamul goboleedka Somaliland uu ku leeyahay 30% halka inta soo hartay oo gaareysa %19 ay leedahay dowlada Ethiopia.

Dowlada Ethiopia ayaa waxa ay maalgelin ku sameyn doontaa wadooyinka gudaha waxaana dhismaha dekeda ay bilaaban doontaa dhamaadka sanadkan.

Heshiiska kama dambeynta ah ee dhismaha dekeda Berbera ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka arrimaha dibada iyo xiriirka caalamka Dr Sacad Cali Shire halka dowlada Ethiopia uu u saxiixay Wasiirka Gaadiidka Ethiopia Axmed Shide iyadoo shirkadda DP world uu u saxiixay  Sultan Axmed Bin Salayman Madaxa Shirkadda DP World.

Heshiiska dekeda Berbera ayaa waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo dowlada Jabuuti ay ka laabatay heshiis ay  shirkadda DP WORLD ku dhiseysay dekeda Dooraale ee dalkeeda.