Animation

Shirka Wada tashiga Puntland oo maanta la soo xirayo

no responses
Saturday August 29, 2015 - 7:43 under Somali News by admin
mqdefault

Shirka Wada Tashiga Beelaha Puntland oo Afartii maalin ee la soo dhaafay ka soconayay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug oo uu  ka qeyb galay Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta lagu wadaa in lagu soo gaba gabeeyo Magaaladaasi.

Shirka ayaa waxaa inta uu soconay looga hadlay Xaalada Guud ee Puntland,iyadoo beelaha dhistay Maamulka ay sheegeen in Puntland intii ay jirtay ay wax badan u qabsoomeen arrimo kalena ay dhumisay.

Sidoo kale waxaa jira Beelo wax ka daga Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug,kuwaas oo ka soo horjeestay Shirka Wada Tashiga ee maanta la soo xirayo.