Somali News

Shirka Taliyayaasha Ciidanka Bariga Afrika oo ka furmay Uganda

Taliyayaasha Ciidanada Waddamada ku yaalla Bariga Afrika ayaa waxaa uu maanta shir uga furmay Magaalada Kambala ee Caasimadda Dalka Uganda.

Ururkan oo ay ku mideysanyihiin 10 waddan oo ku yaalla Bariga Afrika ayaa waxaa shirkiisa ka qeybgelaya Taliyayaasha Ciidamada difaaca, iyo Wasiirrada Gaashaandhigga ee dalalkaas.

Ajendaha ugu weyn ee shirkan oo todobaad soconaya ayaa waxaa ka mid ah in Xilka Taliyaha Ciidanka Heeganka ee Afrika laga wareejiyo Burundi lana wareegto Comoros.

Waxaa kale oo ka mid ah in dalka Koofurta Suudaan oo tan iyo sanadkii 2013kii kor joogto ka ahaa Ururka ay noqoto xubin rasmi ah oo ku biirta Ciidanka Heeganka ee Bariga Afrika.

Ciidamadan Heeganka ah ayaa waxaa loogu talagalay in loo daabulo dalalka ay rabshadaha ka dillaacaan ee ku yaalla Geeska Afrika si looga maarmo faragelin shisheeye.

Midowga Afrika ayaa Urur Goboleedyada Qaaradda Afrika ugu baaqay in Urur kasta uu sameysto Ciidan Heegan ah oo dalkii ay rabshado ka dhacaan loo daabulo.

Ilaa hadda waxaa shaqeeya Ciidanka Ururka ECOWAS ee Galbeedka Afrika oo ah urur dhaqaale kuna mideysanyihiin Waddamada Galbeedka Afrika.

Waddamada Xubnaha ka ah Ururka Barifa Afrika EASF, waxaa ay kala yihiin; Uganda, Burundi, Comoros, Djibouti, Ethiopia, Kenya, Rwanda, Seychelles, Somalia iyo  Sudan halka Koofurta Suudaanna tahay xubin kor joogto ah hayeeshee shirkan ku noqoneysa xubin rasmi ah.

Related posts

Daawo: Shir Deg Deg ah oo looga hadlaayo xasilinta amniga Caasimada oo lagu qabtay xarunta….

Tifaftiraha K24

Dhagayso;- Gudoomiye ku xigeenka Gobalka Mudug ” Wadadii la isku qabtay Dhismaheedi waa istaagay lkn waan Bilaabayna “

Tifaftiraha K24

TOP NEWS: Akhriso Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Galmudug oo lagu magacaabay Gudoomiyaha Jaaliyadda Galmudug ee UK iyo Wakiilka Galmudug ee Dalka UK

admin