Arimaha Bulshada English News Kaydka Wararka Xulka ah Maqaalo iyo Warar Somali News Top News Xulashada K24 XULASHADA TODOBAADKA

Shirka Kismaayo oo maanta lagu wado in la soo gaba gabeeyo

Shirka Madaxda maamul goboleedyada oo maalinkii Saddexaad ka socda magaalada Kismaayo ayaa maanta lagu wadaa in la soo gaba gabeeyo, war-murtiyeedna laga soo saaro.

Shirka oo soo bilowday Axadii ina dhaaftay ayaa shalay ilaa xalay waxaa socday doodo aad u kulul iyo qodobada shirka looga hadlayo ay isku waafaqaan Madaxda Dowlad goboleedyada.

Qodobada qaar oo laga soo xiganayo masuuliyiinta ka qeyb galeysa shirkan ayaa waxa ay sheegayaan dhinacyada shirka in ay qorsheynayaan in la sameeyo Gole ay ku mideysan yihiin Madaxda Dowlag goboleedyada.

Warar aan heleyno ayaa sheegaya in maanta magaalada Kismaayo uu ku wajahan yahay Wakiilka gaarka ah ee QM arrimaha Soomaaliya, si uu madal joog ugu noqdo go’aanada ka soo baxaya shirkan.

Masuuliyiinta ayaa kulankooda waxa uu yimid kadib markii ay cirka isku sii shareertay khilaafaadyada siyaasadeed ee xilligan u dhaxeeya Dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Related posts

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka oo kala qayb galay shacabka Caaabudwaaq Munaasabada Ciida “SAWIRRO”

admin

Banaanbax loga so horjeedo Madaxda Dowlada Somalia oo Galkacyo ka dhacay

admin

XOG MUHIIM AH: Xildhibaan Faarax cabdu qaadir iyo Hey’ad uu isaga Aas aase ka yahay oo lagu helay Fal dambiyeed Musuq Maasuq ah Maxay tahay ?

Tifaftiraha K24