Shirka Garoowe oo la iskumari waayey Qodob quseeya.

0

Xogta aan ka heleyno shirka Garoowe ayaa sheegeysa in xalay aad la isugu qabtay qodobka la xiriira doorashada Soomaaliya ka dhaceysa 2021.

Ilo-wareedyo ku sugan shirka ayaa warbaahinta  u xaqiijiyey in maamul goboleedyada ay dalbadeen in golaha wasiirada Soomaaliya ay dib ugu laabtaan waxna ka beddelaan sharciga doorashada ee ay ansixiyeen khamiistii tagtay.

Shirciggan ayaa maamul goboleedyada ay ku doodeen inaan laga talo-gelin islamarkaana ay ku jiraan qodobo loo arkay in dowladda ay ku sharciyeysaneyso inay waqtiga kororsato.

Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa maamullada u sheegay in sharciggan la horgeeyo baarlamanka, ayada oo ay qireen inay ogyihiin inuusan ka gudbi doonin, markaas kadibna golaha wasiirada ay dib ugu laabtaan.

Hase yeeshee maamullada ayaa ku gacan seeray taas, waxayna cabsi ka muujiyeen inaysan isku halleyn karin xildhibaanada, oo sharcigan laga yaabo inuu baaso.