Somali News

Shir Looga Hadlayay Amniga Oo Ka Dhacay M/Muqdisho

C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xalay guddoomiyay shir looga hadlayay amniga magaalada Muqdisho.

Shirka oo ay ka qeyb galeen Saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya ayaa waxaa diirada lagu saaray ammaanka Caasimadda.

Sidoo kale waxaa shirka looga arrinsaday arrimaha Dariseynta iyo horumarka uu wado maamulka gobolka Banaadir.

Guddoomiye Yariisow oo khudbad ka jeediyay madasha ayaa kula dar darmay hay’adaha amniga in ay xoojiyaan amniga iyo howlgallada ka socda Muqdisho.

Muddooyinkii la soo dhaafaty Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa howlgallo lagu xaqiijinayo amniga ka waday degmooyinka gobolka Banaadir.

Related posts

Guddiga Doorashooyinka Somaliland Oo La Sheegay Inay Iclaamiyeen Xilliga Rasmiga ah Ee Ay Qaban karaan Doorashada Madaxtinimada

admin

Xiisad ka dhalatay xil ka qaadistii madaxweynaha hirshabeelle oo ka taagan magaalada jowhar

Tifaftiraha K24

Dhagayso:- Saraakil Ciidamadda Dowlada Katirsana oo Cabasho Xoogan Soo Gudbiyeey Tolow ,Maxay Ka Cabanayaan ?

admin