Somali News

Shilgaari oo ka dhacay degaan hoostaga Maxaas iyo Saraakiil ku dhaawacantay

Saraakiil iyo Askari ka tirsan CXD Guutada Shanaad qeybta 27- ayaa ku dhaawacmay Shil gaari oo ka dhacay deegaan Madaxyaweyn oo hoos taga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Gaariga Rogmaday ayaa ahaa Gaadiidka dagaalka oo aay Ciidamada isticmaalaan loona yaqaan Cabdi Bilaha waxuuna qeyb ka ahaa Kolanyo gaadiid badan ah oo siday wafdi ka socday CXD kuwaas oo Tira koob Ciidan ku sameyn rabay CXD ee ku sugan Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan,kuwaas oo ka baxay Magaalada Beledweyne.

Askarta dhaawacmay ayaa dhaawacooda la dhigay Cisbitaalka Degmada Maxaas si loogu dabiibo.

Guddomiyaha Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan Cabdi Muumin Cilmi ayaa xaqiijiyay in tirada dhaawaca aay kor u dhaafeeyso dhowr iyo Toban Askar iyo Sarkiil ka kooban.

Lama oga sababta ka dambeeysay in uu qalibmo gaarigaasi Ciidan.

Related posts

Sawirro:-Safiirka Sweden ufadhiya Soomaaliya oo kormeeray Xabsiga dhexe ee Xamar.

admin

War hada: War aysan ku farxeyn Muhaajiriinta tahriibayaasha ah oo ka soo yeeray Midowga Yurub

Tifaftiraha K24

Dhageyso Wararkii ugu dambeeyay ee Gudaha iyo Dibadda

admin