Somali News

Shil Qasaaro Nafeed Sababay Oo Ka Dhacey Duleedka Magaalada

Sida la xaqiijiyay 2 ruux ayaa ku dhintay shil gaadiid oo xalay ka dhacay tuulada Libaaxo ee gobolka Nugaal oo qiyaastii 90km dhanka bari ka xigta magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Shilka ayaa ka dhashay kadib markii gaari nooca loo yaqaan Siddeed-boollah oo ka yimid dhinaca magaalada Garoowe uu dusha ka maray gaari nooca raaxada oo ka yimid dhanka degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar sida ay sheegeen dadkii goobta tegay.

Magacyada 2-da marxuu ee shilka ku dhintay ayaa kala ah Maxamed Ciilqabe iyo Cabdirashiid Yaasiin oo 2-duba saarnaa gaariga yar ee burburay sida ay xaqiijiyeen eheladooda.Gaariga yar oo si weyn u burburay ayaa haddana dab ka qarxay iyadoo markii dambe dabkaasi uu qabsaday gaariga weyn ee xamuulka ah sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidanka ilaalada waddooyinka gobolka Nugaal.

Related posts

Top News: Madaxweyne Xassan oo hadalkan ka yiri weerarkii shalay Kismaayo ka dhacay.

admin

Xog: Shirka Nabadda Jubaland oo furitaankiisa uu dib u dhac ku yimid sababo la xiriira Colaada ka taagan Magaalada Gaalkacyo.

admin

Dhageyso: Maxkamad ku Taala Hargeysa Oo Xukuntay in la Xaraasho dhismaha Shirkadii Xawaalada Qaran ee Bur burtay

admin