Shiinaha Oo La Wareegay Jabuuti iyo Maraykan Oo QalQal Siyaasadeed Oo Wajahday.

0

Dowlada Shiinaha ayaa sanadihii lasoo dhaafay dadaal xoogan ku bixineysay dhisda dekado iyo saldhigyo militeri oo dibadda ah.

Jonathan Hillman oo ka tirsan Xarunta Daraasaadka Istaraatiijiga ah iyo Caalamiga ah ayaa sheegay in maalgelinta dekadda ay albaabada u fureyso dhaqdhaqaaqyada aan ganacsiga ahayn sida martigalinta ciidan milateri iyo ururinta sirdoonka.

Shiinaha ayaa dadaal dheer ku bixineysa maalgelinta xarumaha militeri ee ugu wanagsan sida dekedaha  dagaalka iyo hormarinta milatari  oo ay saldhigyo ka sameysteen sanadihii lasoo dhaafay:

July 2017: Ciidankii ugu horreeyey oo Shiinaha ka socda ayaa la geeyay  saldhigii ugu horeeyay ee Shiinuhu ku yeesho dal shisheeye, taas oo aheyd Jabuuti, Geeska Afrika. Saldhigan ayaa dhismihiisa waxaa uu socday mudo labo sano ah.

September 2017: Ciidamada Shiinaha ee saldhigoodu yahay Jabuuti waxay soo gabgabeeyeen shixnadii ugu horreeysay ee dab-demiska Shiinaha ee lagu aaso saldhig dibadeed.

December 2017: Sri Lanka ayaa Shiinaha ku wareejisay dekadeeda kadib markii ay ku fashilantay iney bixiso deymaha lagu leeyahay, waxaana looga qaatay ijaarka  99 sano, waana talaabo u fiican  Shiinaha.

January 2018: Waxaa lagu dhawaaqay in Shiinaha uu saldhigii labaad oo mid millatariga dibedda ah ka dhisan dono dalka  Pakistan (Kii koobaad Waa Jabuuti).

Febraayo 2018: Amaahda weyn ee lagu leeyahay Maldives ayaa waxay keentay in madaxweynihii hore ee jasiiraddaas iyo  falanqeeyayaal fara badan qaataan go’aan ay u badan tahay iney raacaan wadadii ay  Sri Lanka Dekadeeda Shiinaha ugu wareejisay.

MAR KALE IYO JABUUTI & Shiinaha oo Heshiinaya

Dowlada Jabuuti ayaa dhawaan ceyrisay hay’ada Imaaraadka Carabta laga leeyahay ee DP World, taas oo soo dadajin karta in Shiinaha uu la wareego dekadaas.

Wakaalada Wararka Reuters ayaa sheegeysa in dekadda Daroleh ay tahay mid istiraatiiji ah oo dal walba uu ubaahan yahay.

Laakiin, Mareykanka oo ka walaacsan awooda Shiinaha ee Afrika ayaa ka digay in hadii Shiinuhu la wareego ay halis weyn ku tahay.

Wargeyska  Washington Post ayaa qoray, “Militeriga Mareykanka waxaa uu haatan ka digayaa hadii Shiinaha uu la wareego dekadda iney jiri karto qatar dhanka amaaka oo Mareykanka ah.

Si kastaba, Jabuuti ayaanan weli go’aan ka gaarin dalka ay siineneyso dekadda Daroleh, waxaase jira shirkado gudaha dalkaas ah oo doonaya iyo shirkado kale oo caalamka laga leeyahay sida Singapore