Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Somali News

Sheekh Shariif oo ka hor-yimid warbixintii Sirdoonka NISA iyo eedeyn uu u jeediyay.

 

Hoggaamiyaha Madasha Xisbiyada Qaran  Sheekh Shariif ayaa ka hor-yimid warkii ay shaacisay Hey’adda Sirdoonka Soomaaliya NISA ee ku saabsanaa in dal shisheeyey uu qorsheeyay qaraxii dadka faraha badan ku dhinteen ee 28-kii bishan ka dhacay Ex Koontarool Afgooye.

Sheekh Shariif ayaa  yiri Ujeedka qoraalkan laga leeyahay ma aha oo keli ah in shacabka lagu marin habaabiyo ama lagu qariyo fashilka hay’adda Nabadsugida, ee wuxuu kaloo ujeedkiisu yahay in argagexisada Alshabaab eeda xasuuqa laga leexiyo. Waxaa la oran karaa tani wadashaqayn Alshabaab way dhaafsiisan tahay.

Sheekh Shariif ayaa mudooyinkii danbe ku biiray siyaasiyiinta Mucaaradka ee lagu tiriyo inay u janjeeraan dhanka Imaaraadka Carabta, waxaana uu dhowr jeer eedeeyay dowladda Qatar inay faragelin ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya, sidoo kale wuxuu si weyn uga hadlay warbixintii New York Times qortay oo ahaa in Qatar ka dambeysay qarax ka dhacay Boosaaso.

Dhinaca kale Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin iyo madaxda dowladda Soomaaliya ayaa dhinaca kale taageero ka hela dalalka Qatar iyo Turkiga oo isku dhinac ah, waxaana loolanka u dhaxeeya dalalkaas, Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga laga cabsi qabaa inuu isu rogo dagaal siyaasadeed oo gudaha Soomaaliya ku dhex mara.

Related posts

Shariif Xasan oo ka warbixiyay kulamo uu la qaatay Dhigiisa Axmed Madoobe.

admin

War Cusub: Qaramada Midoobay oo Digniin aan Caadi aheyn u dirtay Gaas iyo Guulled oo Galkacyo ku Heshiiyay

Tifaftiraha K24

TOp News: Axmed Maddobe Oo Qaadey Talaabo Aad Uga Farxisey Dadka Reer Jubbaland (Tolow Maxay Tahay???)

Tifaftiraha K24