Somali News

Sheekh Maxamed Shaakir oo Sheegay in Ciidanka Dowlada ka Hawlgalayaan Caasimada Dhuusomareeb

Madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa shaaciyey inay diyaar u yihiin inay hay’adaha kala duwan ee dowladda Federaalka iyo maamulka Galmudug ka howlgalaan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Sheekh Shaakir ayaa hadalkan ka sheegay goor dhoweyd Munaasabad xuska maalinta xoriyadda ee 1-da Luulyo oo lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb.

Waxaa uu sheegay in dhinacooda diyaar u yihiin si magaalada Dhuusamareeb ay noqoto meel loo wada siman yahay ay ka howlgalaan Hay’adaha nabadgelyada dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug, wuxuuna caddeeyay inay magaalada amnigeeda ku wareejinayaan dowladda federaalka iyo Galmudug.

Hadalka Shiikh Shaakir ayaa ku soo beegmay xili maamulka Galmudug iyo dowlada federaalka ay maalmo ka hor isku raaceen in la qabto bishan gudaheeda doorashada Galmudug, loona dhiso maamul mideysan, iyadoo dhinaca kale la soo afjaray khilaafkii mudada sanadka ah jiray.

Related posts

Muuqaal: Daawo Maxaadan Ogeyn Oo Ay Ciidmadda Jubbaland Ka Sameeyeen Deeganadda Kismaayo Hoos Taga???

Tifaftiraha K24

Daawo:- Dhakhatirta Maraykanka oo Cadeyeey in Caanaha Geele iyo Hilibkiisa uu yahay Dawo

Tifaftiraha K24

XOG: Ethiopia oo soo xulatay shaqsiga ay la rabto inuu noqdo M/weynaha G.dhexe

admin