Sheekada Gabar Mucjiso ah oo Dagmada Bardaale ku Nool ayaa qabsatay Warbaahinta iyo Baraha Bulshada.

0

Subxanallah alle waa qaadir waxkastana awooda dagmada bardaale ee gobolka Baay waxaa ka dhacday qiso mucjiso ah kadib markii gabar ku nool halkaas la sheegay in korkeeda uu dab ka kacaayo.

Gabadha oo ku nooleyd magaalada Baydhabo ayaa balse deegaan ahaan kasoo jeeda berdaale ayaa waxaa jirkeeda ka kacaayo dhimbilo dab ah kuwaasi oo gubaya guriga ay ku jirto ama haddii ay gaari saarantahay.

Dhimbalaha dabka ah ee gabadha jirkeeda ka kacaayo waxaa ay saameyn ku yeelanaya goobta ay markaa joogto haddii ay guri ku jirto guriga ayuu dabka qabsanaya haddii ay gaari saarantahay dabka gaariga ayuu gubaya waxaana gabdhaan ay noqotay mid mucjiso ah sida ehelada gabadha ay warbaahinta u sheegeen.

Marka Dabku ka kacayo Gabadha waxay tiri culeys ayaa isoo saarmaya, kadibna dhimbilo holac ah ayaa ka firdhaya, kaasi ayaa gubaya dhammaan meesha ay joogto, ha ahaado Guri ama Baabuur, Dabkaasi iyada wax ma gaarsiinayo ee waa kacayaa oo kaliya dhimbilo iyo Holac.

Taliyaha Saldhiga Degmada Bardaale ee Gobolka Baay, Ibraahin Roobow ayaa warbaahinta u xaqiijiyay mucjisada heysata gabadhaan oo hadda ku nool dagmada bardaale waxaana taliyaha uu sheegay in arrintaan ay aad uga yaabisay dadka dagmada ku nool.

Culimada dagmada bardaale weli kama aysan hadlin mucjisadaan gabadha heysata balse waxaa la sheegay in gabadha lagu dul aqrinaayo qur’aanka kariimka.