Animation

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ku dhowaaqay inuu yahay Musharax Madaxweynaha Soomaaliya

3 responses
Friday November 4, 2016 - 4:17 under Somali News by admin
mqdefault

Madaxweynaha maamul goboleedka Koofurgalbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa si rasmi ah ugu dhowaaqay inuu yahay musharaxa madaxweynaha Soomaaliya.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta hortagay baarlamaanka Maamul goboleedka konfur Galbed waxana uu ka codsaday in ay ugolaadaan in uu isu soo taago xilka madaxtinimada dalka Soomaaliya.

Cod ay u qaadeen xildhibaanada baarlamaanka Koofurgalbeed ayaa waxa ay si aqlabiyad leh ugu oggolaadeen in uu Shariif Xasan u tartami karo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya.

Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa soo baxayay warar sheegayay in uu doonayo Shariif Xasan oo hore guddoomiye baarlamaan uga soo noqday dalka Soomaaliya inuu doonayo in uu u tartamo xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Bishii aynu ka soo gudubnay ayuu Shariif Xasan Sheekh Aadan waxa uu la kulmay oday dhaqameedyada iyo waxgaradka beelaha Koofurgalbeed Soomaliya isagoo u sheegay in ay u tartami karaan xilka ugu sareeya dalka balse uu ka doonayo inay u oggolaadaan inuu is sharaxo amaba ay cid kale soo saaraan isagana uu taageerayo.

Beesha uu ka soo jeedo Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa inta badan waxa ay isu soo sharaxi jirtey xilka gudoomiyaha baarlamaanka dalka Soomaaliya,

Ku dhowaaqista musharaxnimada Shariif Xasan ayaa ku soo beegmaysa labo maalin kadib markii uu ka soo laabtay wadanka Isutagga Imaaradka Carabta halkaa oo ay madaxda maamul goboleedyada dalka ay kulamo kula soo yeesheen madaxda wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta.