Madaxweynihii hore ee Somaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa caro xoog leh ka muujiyay tallaabadii maanta lagu xanibay wafdigii uu hormuudka u ahaa ee ku sii jeeday Magaalada Baledweyne.

Wafdi uu hoggaaminayay Shariif Sheekh Axmed, Gudoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxaa maanta muddo saacado ah lagu xanibay Garoonka Aadan Cadde, xilli ay isu diyaarinayeen safarkoodii Baledweyne, oo goor dambe loo ogolaaday.

Shariif Sheekh Axmed oo gelinkii dambe ee maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, markii ay ka soo laabteen Magaalada Baledweyne ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho laga saaray maleeshiyo beeleed, Ciidanka Itoobiya iyo Ururka Al Shabaab.

Dowladda maanta jirto oo habdhaqankeeda uu saluugay ayaa wuxuu ugu goodiyay inay magaalada ka saari doonaan, haddii aynaan joojin xadgudubyada ay kula kaceyso siyaasiyiinta.

.