Animation

Shaqada odayaal-dhaqameedkeennu hayo, ma shaqadisii baa?! W/Q: Qoraa Cumar Shaafi

no responses
Monday October 5, 2015 - 3:34 under Arimaha Bulshada by admin
mqdefault
Shaqada odayaal-dhaqameedkeennu hayo, ma shaqadisii baa?!

 W/Q: Qoraa Cumar Shaafi

 

ARAR

Marka aynnu dib ugu noqonno soyaalka taariikheed ee  Soomaalidu lahaan jirtey,odayaal dhaqameedku waxa ay ahaayeen dadka ugu saamaynta badan,  bulshada Soomaaliyeed. Dhinacyada ugu badan ee ay ka dhexmuuqan jireen waxaa ka mid ahaa; garta, shirka, guurka, magta iyo dhammaan arrimihii bulshada ee xilligaas fir-fircoonaa.

Madax dhaqameedka Soomaaliyeed waa marjaca loola noqdo arrimaha dhaqanka, taas oo aynnu ka dhaxalnay miyigii aynnu ka nimi horraanteennii ba.

BIYA-DHIGGA MAQAALKA

Waqtigan aynnu jogno odayaal dhaqameedku waa kuwo ka saamayn badan kuwii hore, oo aynnu odhan karno waajibaadka ay iyagu isku igmadeen ayaa ka badan kii hore.

Maqaalkani ma aha mid aan ku durayo odayaasha dhaqanka ee waxa ay iga tahay iftiimin, iyo tusin dhinaca togan. Soomaalidu waxa ay leeyihiin caado xun, oo ah in aynnu nafteenna ku maaweelinno been, keenna runta sheegana dhaliilno. Labada dhinac ee aan ka dhashay waxa ay leeyihiin madax dhaqameed, taasi waxa ay ku tusinaysaa in aanan ahayn ruux ka madhan madax dhaqameedka. Balse waxa aan si caadi ah uga hadlayaa madax-dhaqameedka shaqooyinka uu hadda qabto, ma yihiin kuwii uu xaqa u lahaa? Mise waa kuwo uu isagu u isu caleema-saaray?

 

SHAQOOYINKA UU HADDA MADAX-DHAQAMEEDKU QABTO!!!

Imminka waxaa isa soo taraysa in madax-dhaqameedkii meel kasta ay iyagu taagan yihiin. Waxa ay si toos ah u bara-bixiyeen aqoonyahankii la rabay in uu booskaa buuxiyo. Meelahaas ayaan in yar ku nasan doonnaa;

  1. Goobta shaqada: marka qof la shaqaalaysiinaayo, waxaa lagu shaqaalaysiiyaa; aqoontiisa iyo khibraddiisa, waxaana shaqaalaysiiya hadba qolada shaqada iyo shaqaalaha ka ah ururkaasamba meeshaas. Lakiin hadda sidaa maaha! Shaqaalaha iyo shaqaalaysiiyaha waxa u dhexeeya waa madax dhaqameed! Isaga ayaa inta uu dhegta soo qabta ka ay hayb wadaag yihiin ugeeya shaqaalaysiiyiha. Marka meel shaqo lagu soo dhejiyo, waxaa xafiisyada ku yaacaaya odayaal kala horror-sanaaya booska shaqo, halkii ay kala horo-san lahaayeen aqoonyahankiiiyo cidda gaarka ay u khusayso. Maanta waxa aynnu ognahay cid aan oday koofiyad-bacle ku lammaanayn in aanuu shaqo helayn!
  2. Siyaasadda: Marka koowaad haddii aynnu nahay dadka Soomaaliyeed waxa inna daashaday, ee aynnu la daalaa-dhacayno waa qabyaalad dhiigga raacday. Haddaba haddii ay qabyaaladkeligeed jirto wacnaan lahaydaa! Dhibaatadu waxa weeye waa la weheliyaa. Dawladda waxa aynnu ku qaybsannaa qabiil. Madaxweynaha waxaa lagu soo doortaa qabiil. Wasiirka waxaalagu magacaabaa qabiil. Madaxweynuhu amba Ra’iisul-wasaaruhu marka la doorto ayuu hadba qabiil la shiraa oo yidhaahdaa keensada wasiirkiinnii reer hebelow! Waa halkii ladoonaayey in uu la shiro dadka uu wax bidaayo, oo uu ku odhan lahaa; maxaad aqoon leedihiin? Maxaad se khibrad leedihiin. Marka mar haddii ay bahashu reer-reer tahay madax-dhaqameedkii ayaa hor boodaya!
  3. La xisaabtanka dawladda: dadka la xisaabtama dawladda waa madax-dhaqameed aan hadday doonaan dugsi dhexe soo marin! Waxaa kaaga daran la xisaabtankoodu ma cilmiyeysna,mana caqliyeysna, ee waa ANNAGA WAA NALA DULMIYEY! Yeynaan nafteenna been u sheegin oo aynaan dafirin falalka badi dhaca,
  4. Goobaha waxbarashada: marka kan waxa aan ka eegi doonaa dhinaca jaamacadaha, oo badi waxaa dhaca kulliyadaha ay Soomaalidu jeceshahay waxaa ka mid ah Caafimaadka. Haddabajaamacadaha qaybtood waxa ay qaadaan imtixaan si ay ugu kala reebaan boqollaalka arday ee soo dalbatay. Inta aan imtixaanka la gelin liiskii kulliyadda bilaabi lahaa waaba la hayaa! Ma anigaa khaldan tolow! Mise salaaddu meel bay ka xidhmi la’dahay. Waxaa xafiiska isku shubaya madax-dhaqameed doonaya in wiilkiisa loo qoro, qoladii xafiiska fadhiday ma af-miishaar bay celin karayaan, badidood way khalkhalaan, qaarna weji bay ka raadiyaan.

EELKA AYNNU KA DHAXALNAY MADAX-DHAQAMEEDKAN WAREERSAN

  1. In qofkii uu ku fashilmo xilkii amba shaqadii loo igmaday: qofkan ma aha mid lagu keenay meesha tayo iyo aqoon, ee waa mid lagu keenay qabiil. Oo halkii uu qaranka u shaqayn lahaa,waxa uu eegayaa danta reerka uu meesha ku yimi! Waayo haddii uu danta guud ka shaqeeyo reerkii meesha keensaday ayaa qoonsanaaya! Ugu dambayn waxa ay iman hadal-hayskiiquruxda badnaa ee koofiyad-bacluhu ku can baxay, ee ahaa NAMA METELO!
  2. In shirkadihii ay ku fashilmaan hanashada hiigsiyadoodii iyo himilooyinkii ay hiigsanaayeen: waynu ognahay urur kasta amba shirkad kasta waxa ay leedahay hiigsi( Vision) iyo himilo( Mission). Ka midha dhalintuna waxa ay ku xidhan tahay dadaalkooda. Ka warran haddii shaqaalaha dhammaantood aan midkoodna lagu keenin aqoon iyo khibrad, ee lagu keenayixtiraam madax-dhaqameed. Ururkii/shirkaddii miyey ku sii dhisnaanaysaa beelaysiga madax-dhaqameedsan!

 

GUNAANAD

Dhibaatada Soomaali ku habsatay, cidda ugu horreysa ee eedda iska leh waa madax-dhaqameed, eegaaya danta reerkiisa, oo aan isku hawlayn danta guud.

Haddii la dhaho aynnu sidaa samaynno waxa ugu horreeya ee maskaxdiisa ku soo dhacaysaa waa reerkaaga dani ma ugu jirtaa! Haddii dani ugu jirto wuu u sacabbo-tumi, haddii aanay ugu jirinna wuu cambaareynayaa.

 

 

Waxa aan ku soo af-meerayaa maqaalkaygan su’aal;

Sidee aqoontu u shaqayn karaysaa! Oo looga bixi karayaa aqoonyahankan daba fadhiisanaaya ninkan koofiyad-baclaha.