Somali News

Shaqaalaha dowlada ee Puntland oo la fasaxay maxay tahay sababta?

Wasaarada Dhalinyarada Ciyaaraha iyo Shaqada iyo Shqaalaha Puntland ayaa fasaxday dhamaan Shaqaalaha maamulkaas iyadoona sababta lagu sheegay roobab dabeylo wata oo ka da’ay gobolo katirsan Puntland.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Dhalinyarada,Ciyaaraha iyo Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland Axmed Cabdalla Tigaana ayaa shaqaalaha dowlada ku wargaliyay inay fasax yihiin ” Waxaa lagu wargelinayaa shaqaalaha dawlada in ay fasaxyihiin maanta oo sabti ah roobabka dabaylaha wata oo da’aaya awgood
Waxaan ilaahay ka baryaynaa inuu inooka dhigo mid khayr ah oo aan waxba nayeelin insha alaah” ayuu yiri Tigaana.

Sidoo kale shacabka ku dhaqan gobolada Puntland ayaa loo diray digniin la xiriirta inaysan Ku safrin Togagga iskana ilaaliyaan dhulka Biyo Mareenka ah.

Roobabkaan dabeylaha wata ayaa hada ka da’aya deegaamada Dhanka Xeebta Bayla, Kulule Dharinbaar – Eyl – Garacad,dhanka Oogadana, dhuudo ilaa Jalam Ayaa saacadaan roobka ugu badan ka da’ayaa waxa uuna wataa qabow iyo dabaylo aad u xooghan Inkastoo inta badan deegaanada Puntland  roob hayo saacaddaan.

Related posts

Degdeg: Shil gaari oo ka dhacay Duleedka Degmada Baardheere oo sababay khasaaro aad u badan.

admin

XOG QARSOON: Maxaad Ka Ogtahay M/weynayaasha qarsan ee ka dheereeya Xasan sheekh Saxiixoodana lagu macaashay….

Tifaftiraha K24

Daawo: Guddoomiye Thabit oo Maanta Ka farxiyay Aaba Soomaliyeed oo Muqdisho ku Nool Kadib markii..

admin