Animation

Shaqaalaha dhisayay darbiga laga wado  magaalada Mandhera ee xadka Soomaaliya iyo Kenya oo shaqo joojin ku dhaqaaqay

no responses
Tuesday November 3, 2015 - 8:18 under Somali News by admin
mqdefault

Shaqaalihii ka howlgalayay darbiga laga dhisayo xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya ayaa shaqo joojin ku dhaqaaqay kadib markii ay waayeen mushaaraadkii ay ku shaqeynayeen.

Inkabadan labaatan ka mid ah shaqaalaha ayaa joojiyay howlihii ay hayeen kuwaasoo ay ka mid ahaayeen shaqaalaha farsamada,darawalada gaadiidka iyo kuwo kale sida ay qortay Nation iyagoo ku eedeeyay dowlada inay dayaceen oo ay siin waayeen lacagihii ay xaqa u lahaayeen,

“Waxa aan ka koobanahay 45 xubnood balse qaar kamid ah shaqaalaha ayaa isaga tegey maadaama xaalada aan ku shaqeyneynay ay adkaadeen, ayna waayeen mushaaraadkii  ay siin lahaayeen xaasaskooda,”ayuu yiri Mr Ismael Abdi oo ka mid ah shaqaalaha dhisayay darbiga oo u waramayay jariirada Nation.

Ismacil oo ku hadlayay magaca shaqaalaha ayaa sheegay in urur ay ku mideysan yihiin shaqaalahan iyo dowlada oo wadahadlo yeeshay ay noqon waayeen kuwo aan miro dhalin. Shaqaalahan ayaa waxa ay ku eedeeyeen xiriiriyaha mashruucan in uu si qalad ah uga hadlay howlaha ay qabanayeen.

Shaqaalahan ayaa ku xirey shuruud ah inay dib ugu laabanayaan shaqadooda marka ay helaan mushaaraadka ka maqan,sidoo kale waxa ay dalbadeen shaqaalahan in la siiyo gargaar caafimaad iyo weliba jaakadaha rasaasta laga xirto.

Howlwadeenada dhisayay darbiga ayaa waxa ay ugu baaqeen mas’uuliyiinta ka hortagga musuqmaasuqa in ay baaritaan ku sameeyaan madaxda sare ee ka mas’uulka ah dhismaha darbiga dheer ee ay dowlada Kenya dooneyso inay isaga celiso ururka Alshabaab ee xarumaha ku leh dalka Soomaaliya.

Dowlada Kenya ayaa bilowday inay darbigan dhisto bishi Marso ee sanadkan hase yeeshee waxaa jirey dib u dhac badan oo ka horyimid sidii uu u socon lahaa mashruuca dhismaha dar