Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Somali News

Shacabka oo Gaas iyo Axmed Madoobe ku Amaanay inay Diidan 4.5

Go’aanka ah in aan dalka lagu celinin nidaamka 4.5 ee ay qaateen dowladaha Puntland iyo Jubbaland ayaa waxaa taageero xoogan u muujiyay qeybaha kala duwan ee mushtamaha Puntland, Jubbaland iyo guud ahan shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kale jira siyaasiyiin ay ka mid yihiin xubno hore xilal sare ilaa heer raiisul wasaare nimo ka soo qabtay dalkan Soomaaliya oo taageerada go’aankaas qeyb weyn ka ah.

Raiisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi, iyo xubno kale oo siyaasiyin layaqaan ka ah dalka ayaa sheegay in aanu dalka wax faaiido ah u keenin 3 xukuumadood oo kala dambeeyay habqeybsiga 4.5 islamarkaana ay aad u taageerayaan in la bedelo ayna ku saxsanyihiin madaxda dowladaha Puntland iyo Jubblanad.

Shacabka oo aan iyagana ku weydiinay mowqifkooda arrinkaas ayaa sheegay in sii socodka nidaamkan hadii la hirgeliyo ay noqoneyso mid dalka iyo dadka u horseeda burbur iyo dowlad la’aan halkeedii joogta taas oo aan hanaqaad laheyn.

Sidoo kale waxa ay shacabku sheegeen in nidaamkan uu yahay mid aan sharciga islaamku ogoleyn, uuna yahay mid laga soomin guuriyay umadaha aan islaamka lug ku laheyn ayna soo arkeen umadda soomaaliyeed natiijooyinkiisa, ayna marnaba ogolaan doonin in dalka dib loogu celiyo xiligan la joogo.

Gabagabadii waxaa loo jeediyay Madaxda Sar sare ee Dowladda Dhexe ee dalka, kuwa beesha caalamka iyo wadamada deriska ah ee daneeya arimaha Soomaaliya in ay tixgeliyaan rabitaanka shacabka Soomaaliyeed maadaama la siiyay codkooda kana hadleen wixii u roon ee ay doonayaan.

Related posts

Dhageyso:Wasiir Sebriye Ahlusunna Waa In Ay Joojiyaan Jidgooyada Ay U Dhigayaan Hananka Xulista Baarlamaanka.

admin

DEG DEG: Ciidamo isugu jira mareykan iyo kuwa jubbaland oo goordhaw qarax culus lagula beegsaday duleedka magaalada….

Tifaftiraha K24

Akhriso: Afar waxyaabood oo aad u baahantahay in aad ka ogaato kulan xasaasi ah oo dhexmaray madaxweyne farmaajo iyo safiirka dalka sweden

Tifaftiraha K24