Animation

Shacabka Degaanada Puntland oo soo dhaweyeey Gudoomiyaha Cusub ee Barlamaanka Dowladda Puntland

no responses
Tuesday November 10, 2015 - 2:06 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Shacab weynaha Puntland ee ku dhaqan magaalooyinka waaweyn ee dalka ayaa siweyn u soo dhaweeyay doorashadii shalay ka dhacday magaalada Garoowe taas oo lagu doortay gudoomiye Baarlamaan oo cusub.

Qaarkood shacabkaas oo la hadlayay Microphone-ka k24 Sheegay in qaabkii ay u qabsoontay doorashadaasi aheyd mid ay aad uga heleen islamarkaana ay ku dheehneyd dimuqraadiyad, cadaalad iyo weliba hufnaan aan waxba ka qarsooneyn shacabka.

Waxa ay sheegeen in ay soo dhaweynayaan gudoomiyaha cusub ee ku guuleystay baarlamanka Puntland, ayna ugu hambalyeynayaan xilka aadka uweyn ee loo doortay,

Shacabka ayaa sidoo kale la dardaarmay gudoomiyaha cusub, waxayna u sheegeen in uu yahay nin yimid xiligii ugu fiicnaa Puntland ayna tahay in uu la yimaado howlkarnimo si uu usii kordhiyo Horumarka ka soconaya dalka.

Axmed Cali Xaashi gudoomiyaha cusub ee ku guuleystay doorashadii shalay ka dhacday magaalada Garoowe ayaa isagu hore u soo noqday gudoomiyaha Baarlamanka dowladihii ka horeeyay Dowladda Madaxweyne C/wali Maxamed Cali Gaas, waana shaqsi u leh aqoon iyo howlkarnimo xilka cusub ee ay shalay u doorteen 66danka xildhibaan ee Baarlamanka umadda Puntland.

Facebook Comments