Shacabka Beled-xaawo Ma heystaan Dowlad uga gargaarta Yeyda Madoow ee Kenyatiga ah+Sawirro

0

Dowladda kenya ayaa dib u bilowday dhismaha Xadka ay la wadaagto soomalia ee Magaalada Beled-xaawo.

Dhismaha sharci darrada ah ee kenya ka dhiseyso Beled-xaawo ayaa waxaa walaac xooggan ka muujiyay maamulka gobolka Gedo iyo shacabka dulmanayaasha ah ee aan heysan dowlad u gargaarta oo yeyda ka dhicisa.

Dowladda soomalia ayaa ka aamusan dhismaha darbiga kenya iyo dhul boobka ay ka wado magaalada ku taala xadka labada dal wadaagaan ee Beled-xaawo.

Wada hadal maalmahan u socday maamullada labada magaallo ee beled-xaawo iyo mandheere ayaa fashil kusoo dhamaaday kadib markii dowladda kenya ay dib u bilowday dhismaha darbiga sharci darada ah.

Madaxweynaha kenya ayaa amray in dib loo bilaabo dhismaha sharci darada ah sida uu sheegay guddoomiyaha Gobolka Gedo Maxamad muxumed.

Waxgarad iyo dadweyne kala duwan oo ku sugan Beledxawo ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay gudaha u galeen magaalada, iyadoo ay arrinta wax ka ogyihiin maamulka degmada iyo kan Gobolka Gedo ee Jubbaland ayna ay raali ka yihiin.

Maamulka Jubbaland ayaa lagu eedeynayaa inay qeyb ka yihiin dhibaatadda Kenya ka wado magaalada Beledxaawo ayna fasaxeen iny dowladda Kenya qaadato dhul ka mida qeybta Soomaalida degan tahay oo saameyn ku yeelanaya guryo ay dadweyne degan yihiin.