Shabaab oo wiil & Aabihiis afduubtay iyo Sababta oo la Ogaaday

0

Al Shabaab ayaa lagu eedeeyay aabe & wiilkiisa inay ka afduubteen deegaan hoostagga Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, sida wararka ay sheegayaan.

Falkaan afduubka ah ayaa wuxuu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Qoryaale oo ka tirsan Gobolka Galgaduud, islamarkaana Wiilka & Aabaha la afduubtay Shabaab ay u hanjabayeen muddooyinkii dambe.

Warbaahinta Dowladda ayaa shaacisay in dadka la afduubtay oo gaaraya ilaa laba lagu kala magacaabo Maxamed C/raxmaan Xersi iyo Aabbihiis C/raxmaan Xersi Warsame,isla markaana ay maalmo ka hor Shabaab weydiisteen Xoolo iyo Lacago balse ay ka Biyo diideen.

Lama oga rasmi ahaan dadkaasi meesha la geeyay, inkastoo dadka deegaanka ay sheegayaan in lagu haayo meelo ka mid ah Gobolka Galgaduud.

Odayaasha deegaanka ayaa sheegaya inay wadaan waan waan ku aadan sidii loo xalin lahaa dhibaatada keentay Shabaab inay afduub kula kacaan Wiilkaan & aabihiis.