Somali News

Shabaab oo sheegay inay heshiis la galeen 40 Oday Dhaqameed Soomaaliyeed (Sawirro)

Ururka Al Shabaab ayaa shaaciyay inay heshiis la galeen 40 oday dhaqameed Soomaaliyeed oo matalaya beelaha kala duwan ee Soomaalida, kadib kulan ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose.

Qoraal lagu baahiyay baraha Al Shabaab ayaa lagu sheegay in odayaasha muddooyinkii u dambeeyay ay siminaar kaga qeyb galayeen goob aan la sheegin oo ku taala Shabeelaha Hoose.

Waxaa sidoo kale la sheegay in odayaasha lagala heshiiyay inay Al Shabaab kagala qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah ciidamada ajaaniibta ee ku sugan Soomaaliya iyo dowladda Soomaaliya.

Sheikh Xuseen Cali Fiidow oo ka wakiil ahaa hogaamiyaha Al Shabaab Abuu Cubeyda ayaa la sheegay in odayaasha oo gaaraya 40 oday dhaqameed uu heshiis la galay, kadib munaasabad ka dhacday Shabeelaha Hoose.

Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka oo dhankooda munaasabada ka hadlay ayaa sheegay inay Al Shabaab ka taageeri doonaan dagaalka ka dhanka ah dowladda iyo ciidamada ajaaniibta.

Related posts

Dhagayso:- Ugaas Maxamed Xashi oo kamid ah Ugaasyada Beesha Sade oo Khudbaynaya

admin

Wasaaradda Amniga Dowladda Federaalka oo Digniin culus u dirtay dadka been abuurka ka baahiya Hey’addaha Amniga

admin

DEG DEG: Taliyaha Ciidamada xoogga dalka soomaliyeed oo hadda ka dagay Magaalada Galkacyo

admin